Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa umadda
Soomaaliyeed inteeda wanaaga iyocadaalada jecel waxaanan u
rajaynayaa in uu Illahay guud ahaan umada Soomaliyeed dhibataada
ka dul qaado una soo celiyo qaranimadii, midnimadii, haybadii
iyo isku kalsoonidii luntay waxaan si gaar ah u salaamayaa
umadda Soomaalida Ogaadeenya ee la gumaysto una halgamaysa
xoriyadeeda gaar ahaan inta sida dhabta ah uga danqatay xanuunka
gumaysiga kana dhiidhiday waxaanan u rajayanyaa in u Illahay
guusah u soo dadajiyo.
Inta aanan fogaanin waxaan jeclahay in aan yar iftiimiyo
ruuxa aan ahay, waxa aan ku hubaysanahay iyo sababta igu kaliftay
qormadan, waxaan ahay gabadh ka mid ah Soomaalida Ogaadeenya
ee uu gumaysigu ragaadiyay waxaan ka mid ahay da’da
ciilka ku calool gashay cadhada la soo dhalatay taraysada
lagu anqariyay gulofka dagaalkana lagu gardaadiyay walina
aan qoob qabow ku joogsanin cimriga aan jiro oo meel dhexaad
ah dhagahaygu wax badan oo farxad u ah ma aysan maqal idhahayguna
ma aysan arag maskaxdaydana habeen iyo maalin kama bixin fikir
iyo is weydiin.
Waxaan indhaha ku kala qaaday dagaal u dhexeeya Soomaalida
Ogaadeenya iyo dad Afrikaan ah oo ku soo duulay doonayana
in ay gumaystaan, anigoon caqilgaygu igu filaanin ayaan ka
mid noqday dadka go’aansaday in aysan marnaba gunimo
ogolaanin tabari meel ay dhigtaba waxaanan aad ugu rajo weynahay
dagaalka u dhaxeeya Soomaalida Ogaadeenya iyo Itoobiya in
uu soo af jarmi doono xili aan fogayn guushii mudada dheer
aanu raadianynaya ay soo muuqato sidoo kale waxaan ku han
weynahay in aan mar uun arki doono guud ahaan umada Soomaaliyeed
oo Eebbe u soo ciliyay sharaftii isna wada jecel oo is qadarinaysa
anigoo aad ugu dhaata Soomaalinimada waxaa marwalab idanqanaysa
boog igu taala oo uu xoqayo ruux Soomaali ah.
Hardanka colaadeed ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya
degan iyo Abasiiniyiinta dhulboobka ku can baay ee duulaanka
ah waa mid soo jireen ah oo dhamaan Soomaalida khuseeya waana
mid saamayn balaadhan ku leh guud ahaan Geeska Afrika lagumana
xalin karo wax aan xornimo ahayn waxaa jira duruufo aan yarayn
oo laga yaabo inay dib ridaan guusha uu shacabka Ogaadeenya
higsanayo waxaase si dhab ah loo ogaaday in ay dadka Ogaadeenya
isku tashadeen ayna ka go’antahay in ay wax walba oo
qaali ah ku iibsadaan gobanimadooda taas oo ay hubaal tahay
in wax badani uu ka hirgalay.
Halganka Ogaadeenya lagu xoreynayo oo lagu tilmaamo in uu
yahay halganka caalamka ugu taariikhda dheer waxaa hor mud
u ah Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya(JWXO) oo ah Jabhadii
ugu cimriga dheerayd ee abid dhulka Ogaadeenya u dagaalanta
maantana ah xoog aan la dhayalsan karin oo Geeska Afrika ka
dhex muuqda kana soo dhex baxay shacab gobanimo doon ah, halagnkan
oo asal ahaan Soomaali oo dhan khuseeya wuxuu soo maray marxalado
kala duwan waxaa mar qoriga u wada qaadday Soomaali weyn waxaana
la cidhiidhi galiyay gumaysiga Itoobiya taas oo ugu dambayntii
sababtay in ay Itoobiya u soo gurmadaan quwado waawayn oo
reer Galbeed ah, sikastaba ha ahaatee halganka Ogaadeenya
wuxuu madi noqday markii qaranimadii Jamhuuriyadii Soomaaliya
luntay inkasta oo halgankani uu yahay mid wadadiisii ku qotoma
hadana Dawladii dhexe ee Soomaaliya markii la waayay shacabka
Ogaadeenya wax badan ayaa kaga lumay.
Burburkii Soomaaliya aafadii iyo darxumadii ka dhalatay shacabka
Ogaadeenya wax badan ayaa ka soo gaadhay si walbana dhibaatadu
way u saamaysay waxayna la qabeen Soomaalida inteeda kale
waxaase u dheer halgaada gumaysiga oo aysan hiil u helin,
halganka ay JWXO hor muudka u tahay wuxuu ku soo beegmay xili
adag oo ku talo galkiisa leh waxaana ku xeeran duruufo caam
ah iyo kuwo khaas ah intaba JWXO markii ay dagaalka hubaysan
bilowday hiil kama aysan filaynin Jamhuuriyadii Soomaaliya
sababtoo ah qaranimadii meesha ayay ka baxday waxaana bilowday
dagaal sokeeye oo aad u baahsan arintaasi shacbka Ogaadeenya
iyo JWXO waxay ku ahayd walwal ilaa eegga taagan waxayna dareemayaan
in geestii ehelku ka jiray ay dabayli kaga socoto kuna banaantahay
oo ay walaba dhiilo culusi ka jirto xalna loo la’yahay
.
Inkasta oo aan ku dheeraaday gogol dhiga bal aan gudo galo
ujeedada cinwaanka qormadayda oo ah Mindida Cawogaagu kugu
halgaado iyo Mijin qabashada walaalkaa midkee xanuun badan?
waa su’aal aan jawaabteeda ka sugayo cid kasta oo jawaab
u haysa waxayna ka dhalatay xanuunka boogta ixanfafaysa ee
marwalab idanaqnaysa taas oo sida aan kor ku xusay ay idanqayaan
dadkii nabaradayda dhayi lahaa ee dhawaca aan qabo la tacaali
lahaa.
Tolow waa kuwee kuwaasu?.
Sida afkan aan wax ku qorayaayi tilmaamayo waxaan lahadalyaa
cida aan wax walba wadaagno sida dhalasho,dhaqan,dhul iyo
diin waxaaanan filayaa in aadan akhristoow u baahnayn in aan
sii tilmaamo dadka aanu waxaasoo dhan wadaagno cida ay yihiin
wayna kuu cadahay in aan Soomaalida lahadlayo.
Maxaan ka cabanayaa?
Sida hadalkayga hore laga dhadhansanayo umadda Soomaaliyeed
inteedi xorta ahayd ma jiro hiil weyn oo in ay naga garab
dagaalamaan ah oo aanu ka filaynay marka la eego xiligan waxaase
waajib ku ah wixii ay awoodaan in aysan naga hagranin bal
ka waran hadii Soomaalidu hiilkii aanu uga cudur daaraynay
iyo ka badanba ay siinayaan Cadowgii aanu hiilka u la ayn
waxayna Soomaalidu noo quudhaa wax uusan gumaysiga aanu la
dirirayno noo quudhin sida runta ah Itoobiya waxyaalo badan
ayaanu kaga adkaanay marwalbase waxaa la duuban in badan oo
Soomaali ah kuwaas oo noo mijinqabanaya, ma doonayo inaan
qormadan eegga ku falanqeeyo inta nooc ee ay dadka Soomaaliyeed
noogu mijin qabanayaan uguna hiilinayaan cadawgooda soo jireenka
ah waxaanse doonayaa in aan soo qaato inta ugu yar.
Umadda Soomaaliyeed ee Ogaadeenya degan waa dad aan waligood
Itoobiyanimo ogolaanin mana ogolaan doonaan waana dad Soomaali
nimadu ka dhab tahay oo aan badhax ku jirin gumaysiga laftiisuna
macangagnimo un buu isugu dhajinayaaye wuu ogyahay arintaas
waligiina fagaare caalami ah magac aan Ogaadeenya ahayn ma
uusan dhulkaas ugaga yeedhin wuxuuse taliska dhiigyacab Zanaawi
samaystay nidaam cusub kaas oo lagu tilmaamo Itoobiyada cusub
oo la doonayay in reer Galbeedka laga gado waxaana shucuubta
laysku khasbayo ee ay maanta qowmiyada tirada yar ee Tigaygu
gumaysato loo qaybiyay 5 qaybood erayga qayb ayaa afka xabashida
waxaa lagu yidhaahdaa Kilil, qaybahaas waxaa laga soo bilaabayaa
Gobolka Tigrayag oo la yidhi Kililka 1aad Af Soomaalina ku
ah qaybta 1aad Dhuka Ogaadeenya oo gumaysigu gobol ahaan u
istic maalayo ayaa lagu suntay Kilika 5aad ama qaybat 5aad.
Hadaba umadda Soomaaliyeed oo aan maanta u qalmin in aan
ka cadwoono ayaa meel iska dhigtay wax walba oo dani ugu jirto
jinsigeena Soomaaliga ah waxaana u fudud in danaha cadogeena
si muuqata iyo si dadbanba loo fuliyo,aan ku noqdo boogta
iqoomanta maalin walba, bulshada Soomaaliyeed waxay shacabka
Ogaadeenya ka galayaan dhagar taariikhi ah waxayna si xishood
la’aan ah ugu badheedhayaan hagaradaamada aan kala go’a
lahayn ee shacabkaas dulman loo gaysanayo.
Waxba waxbaa iiga daran Dilka duudsigaa iiga daran
Dakanada shacabka Ogaadeenya ay Soomaalida inteeda kale ka
galayso waxaa ugu culus duudsiga jiritaanka dalnimo iyo umadnimo
waana wax aan loo dul qaadan karin oo in laga dagaalomo ay
waajib tahay Itoobiya waxay rabtaa shacabka Ogaadeenya in
oo heeryada gumaysiga ogolaado hadii uu shacabka Ogaadeenya
taas ogolaado oo halganka huabysan joogsado Itoobiyana lagula
gorgortamo maagca aanu leenahay waa Ogaadeenya way ogoshahay
waxa aanu isku haynaana waa aan ku xukumo iyo ixukumi maysid
, sida muuqata Soomaalidii xorta ahaan jirtay waxaaba dhib
ku ah in ay na xusuustaan waxaanad moodaa in 20 kii sano ee
waalidu uu xiskooda ka lumiyay in aanu ahayn dad Soomaali
ah oo wali gacanta gumaysiga ku baaqi ah waxaana taas cadayn
u ah waxaa dhib ku ah in ay magaca aanu leenahay sheegaan
waxaan in badan Saxaafada Soomaalida ku arkaa ama ka maqlaa
magacyo uusan waligii gumaysigu in uu noogu yeedho ku dhiiarnin.
Saxaafada Soomaalida ee Af Soomaaliga ku hadasha noocay dooniba
ha noqoto cid kastaana ha lahaatee marka ay dalka iyo dadka
Soomaalida Ogaadeenya ka hadalyaan way ku margadaan hadalka
waxayna noo raadiyaan magac inaanu Itoobiyaan nahay muujianya
sida
- · Soomaalida Itoobiya
- · Soomaalida dhulka Itoobiya degta
- · Soomaalida kililka 5aad ee Itoobiya
- · Gobolka Itoobiya ee Soomaalidu degto
- · Qaybta 5aad ee Itoobiya
Intaas oo magac ah oo ay Soomaalidu noogu yeedho waa hiilo
weyn oo gumaysiga loo hibayay waana dhagar culus oo nalaga
galayo waxaanse ku kalsoonahay laba arimood
1 Shacabka Ogaadeenya wuu isku tashaday ilahayna wuu isku
xidhay halgankuna waa dhib ay dheefi ka dambayso isku day
walba oo lagu xagal daacinayo halganka xaqa ah ee Ogaadeenya
lagu xoraynayona aakhirkiisa wuu fashilmaa.
2 Dadka Soomaaliyeed ee noo quudhi la’ in ay nagu tilmaamaan
Soomaalinimo maanta iyagiiba naf isuma hayaan waanan ognahay
in uu xarrka gumaysigu masakxdooda ku beermay sidaas daraadeed
waa uun iga dareensiine iyo kayd aan u dhigayo jiilasha soosocda’e
dad miyir iyo caafimaad qaba in aanan ka cabanaynin waan ogahay
maanta kobtaas ha inoo joogto waaxaanan idinku dhaafayaa.
- Kuwa isamka doolka ah shacbkiga ku ablikaynaaya.
- Itoobiyana nagu sheegayoow la ogolaan waaye.
- Abtirsiinadii iyo rirkaygaad ambinaysaane.
- Duntii lagu arooraayaybaad uub u qodaysaane.
- Anoo ubaxa Soomaaliyeed Eebbe iga beeray.
- Aanjii miyaan noqon karaa ina amxaaraad ah.
- Sideen ugu ekaadaa ma ihi Aabasiiniya’e
W/Qortay Rooda Ibrahim A/Gurey (Afjanno)
Afjano2004@yahoo.com
|