Monday 22 March 2010  
  |     |     |     |    | 
   

Qormadeena Duljoogso oo taxane ah waxaanu maanta ku eegaynaa Gumaysigu dadka uu ku adeegto waxyaalaha uu ku doorto & sida uu waxyaalo badan uga dhufaano gacanyarihiisa ka hor inta uusan hawlaha uu ku aaminayo u jaan goynin

Sida laga wada dheregsanyahay gumaysiga Abasiniya & shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee uu gumaysto waxaa ka dhex jira khoof & is aamini waa baaxad leh wuxuuna gumaysigu isku dayaa in uu bulshada Soomaalida Ogaadeenya keenadiisa ogolaysiiyo isagoo tab walba adeegsanaya danaha gumaysigu waxay u fulaan dhawr nooc oo in badan oo ka mid ah ay dadka uu gumaysto qaar ka mid ihi fuliyaan.

Sidaas daraadeed dadka gumaysiga danihiisa fuliya waa in ay yihiin kuwo xambaari kara xilka loo asteeyay oo ah gumaadka & waxyeellaynta bulshada ay ka dhasheen ee Soomaalida Ogaadeenya waxaana daruuri ah in uu gumaysigu gacanyarihiisa aad u hufo una hubiyo nooca ay noqonayaan & in ay buuxin karaan shuruudaha laga doonayo, adeegeyaasha uu gumaysigu ku qanco in ay muhiim u yihiin waxay leeyihiin sifooyin uu ku doorto waxaana u muhiimsan 2 qodob oo kala ah.

Waa in uu doqon yahay oo uusan caqli & damiir midna lahayn.
Waa in uu xishood & cabsida Alle meel iska dhigo.

Hadaba kolkay sidaas tahay suuro gal ma aha in uu gumaysigu adeegsado dadka caqli usaaxiiibka ah waayo hadii uusan ruuxu doqon ahayn waa la dhibaatayn karaa laakiin wax walba laguma qancin karo loomana adeegsan karo in uu umadiisa waxyeello u gaysto dhiiga shacabkiisana laguma siiyo darajooyin been ah, Diinta islaamku waxay gashaa ruuxa caqliga leh ruuxa diintu gashaana Iimaan kaamil ah ayuu leeyahay ruuxa Iimaanka lihina xishood & dhawrsanaan ayuu leeyahay ruuxa sariigta leh kama suuroowdo in uu fuliyo awaamiirta gumaysiga loomana adeegsan karo in uu dadkiisa baabiiyo oo uu gumaysigu wax uu isagu isaga ba'ay u xambaariyo.

Shacbka Soomaalida Ogaadeenya ee keeno diidka ah oo dulqaad & geesinimo ma guuraan ah eebbe ku manaystay qarinyaalna la gumaysanayay wuxuu ku jiraa halgan hiil ilaahay haysta balse imtixaan ku lamaanyahay oo aad u khadhaadh kaas oo aan hakanaynin ilaa guusha kama dambaysta ah ee xoriyada uu shacabka xaqa u leh gudoomo waxaana geed ka go'an ah in uu doqonka gumaysiga u dhago nuguli sahansanyahay oo seefta shacabka gumaadaysa uu daabkeeda yahay isla markaasna uusan waxaba xeerinayni.

Shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee halgamaaga ah cadaadiska gumaysiga & gacanyarihiisa waxay ka qaadaan dardar horleh mana jiro wax isbadal & naruuro ah oo uu gumaysigu ka gaadho dhibka shacabka Soomaalida Ogaadeenya loo gaysto oo isugu jira dil, xidhay,kufsi,dhac, jidhdil & guryaha oo laga gubo, sikasta oo shacabka loogu taagsado waxaa is dhimi waayay dareenka wadaniga xoriyad doonka ah ee maalinba maalinta ka dambaysa soo koraya.

Shacabka Soomaalida Ogaadeenya waxay si aad ah u takooraan iskana uruuriyaan doqomada damiirlaaweyaasha ah ee dhagarta qaba gumaysigana dhufayska u ah oo ah kuwo laga helay sifooyinka kore ee uu gumaysigu ku doortay waxaana loo yaqaanaa magacyo muujianya in ay dadkooda ka baxeen gumaysigana raaceen sida Gacanraye, Jaajuus, Dhidid Dhawr Daboqoodhi, Dabodhilif & Bakhti fuul oo intuba muujinaya shaqada ay hayaan ee shacabka Soomaalida Ogaadeenya dhiibka loogu gaysanayo.

Nimanka duliga & ducfinimada qaayibay ee gumaysiga gabalkiisii dhacay uu ku adeegto waxaa loo yeedhiyaa hawlmaalmeedkooda oo ah xadgudubka shacabka Soomaalida Ogaadeenya waxaana damiirlaaweyaash lagaga talaabaa togaga ceebta ee uu gumaysigu lafihiisa uga ba'ayo, gumaysiga markii ay waxwaliba iska soo oodeen dagaalkiina lagaga adkaaday wuxuu bilaabay dagaal dhanka saxaafada ah wuxuuna samaystay website-yo Afsoomaali lagu qoro oo ay gacanta ku hahayaan nimanka aan caqliga, damiirka, Iimaanka & xishoodka toona lahayn ee Bakhti fuulka ah waxayna soo ban dhigaan wax walba oo sharafdaro ay ka sii qaadayso xukuumada gumaysigu waxaana banaanka u soo baxay dulmigii ay awal qarinaysay xukuumada kalitaliska ah ee Zenawi madaxda u yahay.

Dhawrkii todobaad ee u dambeeyay waxaa socday weerar & handadaad lagu hayo Maxaabiista Soomaalida Ogaadeenya ee Jeelasha araxndarada ah ku jirta weerarkaas oo saxaafada cadowga lagu soo bandhigayay wuxuu muujianyaa talo & tayo xumida gumaysiga waxayna arimahani markhaati ka noqonayaan axmuqnimada gumaysiag & kuwa dhidid dhawrka u ah ee waxyeelayta Soomaalida Ogaadeenya loo wakiishay, xaqu hadii afka la qabto feedhaha ayuu ka dilaacaa sidaas daraadeed gumaysigu isaga ayaa is fashiliyay wuxuuna banaanka soo dhigay ceebtiisii oo aan cidna ka qarsoonayn caalamkana waxaa maanta amakaag ku noqotay dad xoriyadoodii laga qaaday xabsina ku jira in layidhaado horumar ayay gaadheen ama dareenkooda ayay cabiri karaan.

Sikastaba ha ahaatee waxaa is haya hardan culusina uu ka dhexeeyaa shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo ay hormuud u tahay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) & Jabhadda Tigreega ee uu Zenawi hormuudka u yahay damiyada ay Askarta Tigreegu shacabka Soomaalida Ogaadeenya ka galaana waxay hortalaa maxkamadda caalamiga ah ee dambiyadda dagaalka waxaana xaqiiqo ah dunuubtas uu Zenawi galayo in uu ku hambooriyi doono damiirlaaweyaasha afsoomaaliga ku hadla oo maanta la isticmaalyo ee uu gumaysigu ka dhigtay jaranjar uu dhiiqada kagaga gudbo waxaana nimankaas sugaysa xisaab culus oo aakhiro & aduunba ah marka ha iska durduurtaan dhiiga shacabkooda hana iskla darooryamaan hana ku durduriyaan dadka masaakiinta ah ee jeelasha uga buuxa kolbana mid haku koosaartaan wallee damiir xumoow waxa aad umadaada gaadhsiisay waa qaan kugu maqan waxaana ku sugaya sadex maxkamadood oo kala ah mida Zenawi mida Soomaalida Ogaadeenya & ta ugu weyn oo ah mida Illahay.

Qormadeena Duljoogso ee maanta halkaas ayaan ku hakinaynaa la soco qaybaha dambe.

Qaybihii hore
Xigasho: Qorahay Online