Monday 22 March 2010  
  |     |     |     |    | 
   

KONTONGUURO waa Gabay cusub oo uu curiyay Abwaan Saalax Xaashi Carab wuxuuna kula hadlayaa Calanka Qaranka Soomaaliyeed.


KONTONGUURO waa Gabay cusub oo uu curiyay Abwaan Saalax Xaashi Carab wuxuuna kula hadlayaa Calanka Qaranka Soomaaliyeed.

Tixdan oo aan ku qoray magaalada Jabbuuti bisha 1aad ee 2010ka, aanna kula hadlayo calanka ummadda Soomaaliyeed oo kontonjirsaday, ayaan si korkaxaadsai ah kaga hadlayaa duruufaha adag ee calanka iyo ummadda leh ba haysata.

• Calanyohow dadkiisii kadoo ‘ kore ka soo cawlmay
• Kurbashada dareenkiyo cabsida ‘ illinta kaa keentay
• Adi kuguma koobnee dhibtani ‘ waa kadeed qarane.
• Kulmiyow haddaad beri lahayd ‘ kulmisyo gaashaaman
• Amaad madax ku jecel aad ogeyd ‘ shacab ku kaalmeeya
• Ka teg xaalku kii shalay haddaad ‘ karam lahayd weyne.

• Kala dhiman milgada aan kan lihi ‘ kaabiddeed biline
• Kubku nimuu baduugmiyo ma kaco ‘ ruux karrays li’iye
• Qajeelay kuftaa dawladdii ‘ aan kufkeed heline.

• Kabtigiyo adoo laba kacii ‘ xawli ku koraaya
• Ka na mudhay asaaggaa sidii ‘ kaaha waabberiga
• Kuwayow ku neceb baa shishiyo ‘ kaarah kuu dilaye.

• Baraqyohow karaar jabay aduu ‘ ciil ku kala gooyey
• Oo keli ahaan dhawr cidla’ ah ‘ kaabad li’i taagan
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Somaloo kun raabe ah quruun ‘ haatan kala yaacsan
• Oo kala tagtoo kala baxdoo ‘ laysku kari waayey
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Kobtay taallo xuduntaadu oon ‘ lagugu koolkoolin
• Oon Timacaddoo kale abwaan ‘ Barkhadcas kuu joogin
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Sida qarandi oo kale dadkoon ‘ kore ba eegaynin
• Oo kaalintiisii gaboo ‘ aad u kala daadsan
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Lud kurboodka duunkiyo kulkiyo ‘ kalalcabsoodkaaga
• Kabaaraad la taah iyo adoo ‘ alala’ kaaraaya
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Madinnimo kelaad tahay quruun ‘ aan xigaal kabine
• Adigoo ka saabbiya xilqaad ‘ kadarta kaa saara
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Kiciweydey ruqadaan kan lihi ‘ kore u qaadayne
• Karti li’i adoo meel kunbudha ‘ kuudud xumidaada
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Kooxo wada kamiin qaba sidii ‘ kadaf abaaraystay
• Adigoon ka kaban dhaawacii ‘ oofta ku wareemay
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Ummul kallahsan hooyada kilkilan ‘ maxas kurboonaysa
• Kala firidhka qoyskoy bulshada ‘ aafo kala geysey
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay.

• Waxay sare u kaabtaa midnimo ‘ duulal kala yaale
• Dadka oo Ibleys kala guroo ‘ kala irdhood jooga
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Submo awrkiraale ah dugaag ‘ nacabku kooraystay
• Adoo lagu kidfaayoon arkoo ‘ kololo’ reemaaya
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Washaysiga kanshada kuu helaa ‘ kuuma uu tudho e
• Kii ku dilay adoo kaalmo iyo ‘ kadab ka dhawraaya
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga ku saartay?

• Kasmaggaab kasiisiga garaad ‘ koobanyahay maanku
• Kurtii nacab is kaashaday aduu ‘ kuugu jiro kuurka
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saaray?

• Baqdin korodhka kalcabsoodka mira ‘ oollin kala fiigga
• kala qoqobka ummaddoo inay ‘ kulanto loo diiday
• kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Kuwo Eebbe kadabkood jaroo ‘ kuu abtirinaaya
• Sinjidhaan kiraysani aduu ‘ kaaye kugu qaato
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Mustaweqe kibbaandhiyo dadkoo ‘ kaadhadh dabajooga
• Oo kordegay ku’ aan rabin sidii ‘ koronkor yaacaysa
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Lama kabo kalsoonida luntoo ‘ kaaritaan badane
• kala qaaran baahiyo dadkoo ‘ qoys ba kadin ootaye
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Qarankoo kurkii maqanyohoo ‘ kore ka naafoobey
• Xamaroo kud galay aawadii ‘ looga kala guuray
• Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

• Sida kale Cawaalow haddaan ‘ kelimad kuu sheego
• Kuma nicin dadkaaguye waxaa ‘ keenay dayacaaga
• Moolis xumo intaad kore sudhnayd ‘ kicisey uunkiiye.

• Laab la kiciddu kama ay taggana ‘ eber ku kaaftoome
• Kashoo laga jeclaadoo qudhaan ‘ aayatiin kabine
• Keligeed hawadu waa kadeed ‘ kurbiyo laandeyre.

• Mantag kuguma simo kaadsashada ‘ ama korood geyne
• Cadho kaydsantoo korodhdha oo ‘ karidda foondhaafta
• Lama karo kolkay qaraxdo oon ‘ keene loo heline.

• Wacyigoo korreeyiyo haddaan ‘ garasho kaabaynin
• Oon kala danbayn iyo lahayn ‘ madax kalkaalaysa
• Kacdoon shacabku kelidii qumaa ‘ waa barkuma taale.

• Ka kacaay hayaay iyo qabiil ‘ xoog u kala geeyey
• Iyo kuuma-naxayaal martabo ‘ qudha ku taamaaya
• Kursiddoon kitaab qaba ayaa ‘ saatan kuu galaye.

• Kansi iyo kunuus badan macdano ‘ aad ku kore joogto
• Oy talo ka taal oon la rabin ‘ keli inaad taabto
• Ayaa keentay kala’tuur nacayb ‘ laysku kaa diro e.

• Kufrigii ku saanyaday raggii ‘ saancadkii kiciyey
• Adoo kiil ku jira wiilashii ‘ nacabka keeneeyey
• dura waxaad ku taagneyd horfiiq ‘ ruuxa kuu hura e.

• Gobannimada Kulubkii dhashoo ‘ xoogga kugu keenay
• Kadabaa abwaankii lahaa ‘ keysihii qaranka
• Iyo waxaad ku timi waa kifaax ‘ lays la kaashadaye.

• Inta waracyo kuu soo go’aan ‘ tiro la koobayne
• Kuwo kuu qudhgo’ay oo dartaa ‘ kaare la marsiiyey
• Kumanyaal waddaniyoo jacayl ‘ kuu hayaa badane.

• Kooxdii Wajaaliyo kobtuu ‘ Xalane kaa qaatay
• Iyo suu isugu kaa kafmoo ‘ kuula galay iilka
• Ayaa kow ahayd baarrinnimo ‘ geesi kuu go’a e.

• Calanside kumuu dhigin ilaa ‘ kurey ahaantiiye
• Kolkan oy adkaadtoo nin kale ‘ uu ku sidi waayey
• Maalin kaama tegin oo kor buu ‘ kuu hayaa weliye.

• Hadduu karo rakada tii u dheer ‘ buu ku sudhi laaye
• Kob cagaaran buu kaabad weyn ‘ kaaga dhisi laaye
• Kor ahaw ayuu odhan lahaa ‘ toban kun oo jeere.

• Koonfur iyo Woqooyaad ahayd ‘ kii midayn jiraye
• Isu keenka weeyaan astada ‘ kugu dhextaallaaye
• Ilaa ay kulmayso na xilkii ‘ kaama uu hadhine.

• Ammin kakan sebaan kulul xilliga ‘ aahi kala kaan ah
• Waqti kaa bogsiiyaa ku xigi ‘ waa kastoo adag
• Kurbadu na ma waartoo ciyoon ‘ waa mid kaa kiciye.

• Kowda luulyo kontonkii sanaa ‘ kuugu buuxsamaye
• Kol haddaad xor tahay oodan dhicin ‘ keni adkaantaada
• Kuuma aan baqaayee ilmada ‘ hayska wada keenin.

• Rabbigii na kaa siiyey oon ‘ keli ahaan tuugno
• Ayaan kuu durraantaye ahaw ‘ kaan mar na ba liicin
• Ka korree asaaggaa astaan ‘ kowniyaad tahaye.

Saalax Xaashi Carab,

Jabbuuti, 01.02.1431 -16.01.2010