|     |     |     |    | 
   

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qalbi dabodhilif iyo qoob dameer midna ma qoyaan.

Apr 27-10

Mar hadii ay isku biireen ethiopia qolyihii ka soo jeeday Al-itixaadka iyo cadhoolayaashii halganku haraatiyay ee gigilashada halganka ku hadhay iyo aqoonyahankii dhuuniqaatayaalka ahaa dhamaantood waa inay yeeshaan hal mabda, waana inay yeeshaan hal cadaw waana inay yeeshan hal xeer oo haga waxuuna cadawgoodu noqon doonaa cadawga ethiopia cadawga ethiopiana waa shacabka ogadeniya iyo jabhada uu ku tiirsan yahay waxaana hagi doona siyaasada ethiopia iyaguna waxba kuma soo siyaadin doonaan in dhibaatada laga dulqaado shacabka lagama yaabo inay siyaasada ethiopia wax ka badalaan wax kasta hadii ay sameeyaan, muhiimada meesha ku jirtaayi waa in iyaga lagu shaqaysto danta ethiopia mar haday taasi tahay dantoodana waa uun dhuuni raacnimo ama haka helaan ama haka waayane markaa waxaa inoo cadaanaya inay soo qaataan siyaasada ethiopia bulshadana kula dagaalamaan ethiopiana wajigaas hadii ay ka waydo waa ay u xiiri doontaa Sidaas oo ay tahay oo ay xumaantaasi faraha kula jiraan hadana waxay isku dayayaan inay difaacaan meesha ay indhaha hoos u rogi lahaayeen ee ay ceebtoodu inayna banaanka isoo bixin ku dadaali lahaayeen Ethiopia iyo dillaalayda diinta islaamku, waxay ku heshiiyeen laba arimood oo kala ah.

Xaga diinta in loo xilsaaro kuwa dillaaliinta ah ee diinta islaamka dillaalaya oo ay umada waswaas ku abuuraan si ay uga horkeenaan bulshada dagaalka ay ku jirto kuna nacsiiyaan xornimo la helo iyagoo dariiq kasta adeegsan doona Kuna aburaan inay diinta islaamku ogoshahay in wax lagu darsado gumaysiga kiristaaniga ah ee saliibiga ah mida kalena shareeco ahaan inayna banaanayn in lala dagaalamo waxa lagu jiraana uusan ahayn jihad iyo dagaal xaq ah Iyagoo dhinac walba oo dadku xasaasiyad ku qabaan kicinaya lana soo baxaya raasamaalkii munaafiqiinta sida qabiil kicinta. beelaysiga. gruubaysiga. kala qaybinta bulshada, xaqa oo la dhalan gadiyo, beenta oo lagu banaysto wax walba oo xaaran ah, waxaasi oo ujeedo ahina waxay tahay in la hoos geeyo gumaysiga madaw umada muslimka ah oo reer ogadeniya.

Qaybta labaad waxaa la rabaa in la adegsado aqoonyahan dhuuni qaate ah oo ku duloobay reer galbeedka noloshiisiina soo saari waayay kana samray inuu noloshiiisa ku soo saaro awooda iyo xoogiisa iyo dhididkiisa Midaas oo dhibaato ku ah itixaadka waxa loo diri doonaa bulshada ay kula noolyihiin qurbaha aqoonyahanka dhuuni qaatayaalka ahna waxaa loo diri doonaa hawlaha dablamaasiyada maxaa iyaga u soo muuqday waxaa u soo muuqday hantida sida dhibka yar dadka reer ogadeniya looga boobayo isagoon ku dhibaatoonin inuu kula gorgortamo cadawga Isagoo dillaal ka ah dhiiga dadka reer ogadeniya.

Dabadeedna marka intaasi lahawl galiyo in la yidhaaahdo Oo ethioppia ay tidhaahdo waa kuwan culimadiinii bal dharkoda ay qabaan eega bal gadhkooda haybada ka muuqata eega bal cumaamada cas iyo mida cadba eegga Aqoon yahankiiniina waakan bal eega waakuwan ragii idin hor marin lahaa ka faa iidaysta bal laamida eegga cagaf cagafyadan eega waa mashruucii biyaha Qorigiina waa laga baxay si dimuqraadi ah ku noolaada dadku waa imisa qaybood dastuurka ethiopia qaata Dadku waxay u qaybsamaan sadex sidaan fahamsanahay Dadka aan sheegayaayi waa dadka la gumaysto maaha kuwa wax gumaysta waxaanan ka hadlayaa dadka reer ogadeniya 1-Maangaabyaal ama damanayaal noloshooda la daalaa dhaca waana dadka ugu badan waana dadka baratanka loogu jiro in qolo waliba ay wax ku shubato Qayb hadafkeedu uusan ka lumaynin lagana leexin Karin xaqa, mabda, oodana aan laga iibsan Karin waqtina u huraya inay dantooda gadhaan kuwaasi waa geesiyaal sharaf badanayaal umadu ay ogtahay xaqooda iyo maamuusta loo hayo khayr alle hasiiyo aakhiradoodana illaahay ha u dhawro sharaf badanayaalkaasi.

Qaybta sadexaad waa mindida cadawgu kugu qalayo waana jiidh adiga kaa baxay kuguna yaala waa u adeegayaalka gumaysiga sida wadaadadii hubkii qaaliga ahaa u gudbiyay cadawga Ethiopia si umadooda loogu gumaado qaybtan heeryeysanayaasha ah ee gumaysigu heeryada saaray waa qaybta cadawga la midka ah mise kaba daran waxaa horay loo yidhi qalbi dabodhilif iyo iyo qoob dameer midna ma qoyaan doqon gacanteed ayaa god abeeso lagu sahamiyaa jiriidkoo laga jimiiqsado iyo jaahil dabodhilif baa leh waanadu ma gasho qalbigoodu naxariis maleh cadawga waxba mayeelaan cadawgoodu waa bulshadooda cadawgay faraxdin galiyaan beentay cadawga ku mooraal galin lahaayeen ayay hadh iyo habeen ku jiraan kana shaqeeyaan shacabkooda iyo dadkooda waxay ugu taltaal jiraan inay mooraalka ka dilaan sida kuwa qora websiteyo badan waa khaainul wadan miidhan oo diinta khayaamaya dadka khayaamaya dalka khayaamaya.

Diinta inay hanti iyo mansab ku helaan ayay jecelyihiin dalka inay dillaalaan oo ay hanti dhaafsadan ayay jecel yihiin gumaysiga inay iska gadaan ayay jecelyihiin dadkooda hadayna dhibin inuuna gumaysigu waxba siinaynin ayay dareensanyihiin dulaysanayaashaasi waa kuwa mar walba umadaha xaqooda raba inay duudsiyaan ama hoobaaq ka tuuraan booraan ku ridaan hadaba u jeedada aan ka leeyahay qoraalkan waxa saldhig u ah inay dadku ku baraarugaan dhibaatada ay la soo noqon doonaan kuwa aids ababa ku arooray ee mabda, cusub ee ethiopiana soo xanbaari doona dadka in ka mid ahi waxay u qaadan doontaa inaan mucaaradnimo aan ku ahay dadkas ay igu kaliftay qoraalkan hadaan sii hor dhaco waxa layska waydiin doono maqaalkan waa run taasi maxaa yeelay hadaad aragto umadaada dhibaato ku soo wajahan ama kuwo aan dan u haynin dhibaato uun mooyaane waa inaad diidaa kana hor tagtaa kana sii faalootaa adigoo odorasaya wajiga saxda ah ee kuu soo muuqan kara.

Qoraalkanina waxuu hor dhac u yahay wax badan oo lasoo dhoofin doona qurba joogta ogadeniya hadaan kuu sii taab taabto waxaa qoraalo badan lagu sheegi jiray jaaliyada somali galbeed mujaahidiinta somali galbeed hadana jaaliyadaha deegaanka somalida ayaa ku xigtay eeggana waxay maraysaa inay dhahaan jaaliyadaha somalida ethiopia waxa ku sii xigi doonaana waa waxa aan leeyahay halaga sii digtoonaado hada maxaa lagu badalay qoraaladii hore durba waxaa lagu badalay been abuur laga sheegayo shirar aan jirin taageerooyin aan jirin oo lagu taageerayo isdhiibkii afartii nin ee gashay iyo dhuuni qaatayaalkii la socday qaar sirdoonka ethiopia si toos ah ugu xidhnaa ayaa jira oo aan u dayn doono inuu waqtigu soo bandhigo sheegana jiray somali galbeed waxaa jira markii qandaraaskan la abuuri rabay inay wada hadleen ragan ka shaqaynayay barnaamijkan waxaa jiray inay dabadeedna u baahdeen inay helaan dhalinyaro qoryaha loo dhiibo oo lagu xaroodu oo la siiyo min kun iyo shan boqon oo doolar $1500 waxaana ka mid ah rag qaatay arintaasi iyo rag diidayba intii diiday ayaana banaanka u soo saartay.

Xogo muhiim ahna waan ka heli doonaa oo kale dhalin yaradan waxaa qaarkeed ama badankood laga kaxeeyay xeryaha qaxootiga hadaba waxaan leeyahay dadka reer ogadeniya ee qurbaha ku nool waxaa dadka reer ogadeniya hal hays u leeyihiin waxa soo socda nimaan garanin waxa jooga ma garto.

By Maxamed Faarax
siyaarr@yahoo.com

Home

Copyright © 2010 Awaare.net
All Rights Reserved.

wordpress visitor