|     |     |     |    | 
   

 

 

 

 

 

Barnaamijkii Radio Xoriyo: Raaf kasocda Addis Abbaba iyo 80 Soomaali ah oo lagu xidhay.

 

Raaf kasocda Addis Abbaba iyo 80 Soomaali ah oo lagu xidhay.

Wararka Naga Soo Gaadhaya Xaruunta Gumaysiga Itoobiya ee Adisababa, ayaa sheegaya in Xabsiga loo taxaabay ilaa iyo 80qof oo Soomaali ah,
Dadkan oo ahaa Dad isgu Jira Soomaalida Ogaadeniya iyo Somaalida Jamhuuriyada soomaliya ayaa lagu soo waramayaa in Dadkaas aanan lagaranayanin meesha loola kacay iyo sababta loo qabqabtay midna .
waxaana loo malaynayaa in ay wayanadu u qabaqabanayso Doorasho ku sheegta dhacysa bishan, cabsi ay kaqabaan in qaraxyo ay halkaas ka dhacaan
iyadoo sida lasheegayo ayna ilaahada wax war ah kasoobixn safarada soomaalida ay ku leedahay xarunta gumaysiga Ethiopia.

Raafka aya ilaa hada Socada lamana Garanayo waxa ay ku Danbayan Doonta Xaalada Dadka Soomaalida ah ee ku nool Xaruunta Gumaysiga Wayanada.

Waxaa habeen walba Gaaf wareega Magaalada Adisababa, Ciidmao Hubaysan oo Wayaane ah oo Ilaaliya Magaalada Adisababa, waxaa kaloo dhibaatooyin iyo Rabshada ay ka dhacaan habayn Kasta Jamacada Adisbaba oo ay isku fara saaraan araday Taageersan TPLF iyo Kuwo taageersan Axsaabta Mucaaradka.

Qarax bambo oo Ka dhacay goob ay kulan ku lahaayeen Xisbiga EPRDF.

Inta la ogyahay qaraxan ayay ku dhinteen ilaa 2 ruux halka in ka badan 15 kalana ay ku dhawacmeen gobolka Oramiya Sida uu u sheegay afayeenka wayanada shamelas wakaalada wararka ee Faransiiska ee AFP, lama oga ilaa hada cida ka danbaysay hase ahaatee waxaa isa soo taraya qalalasaha ka jira dalka Itoobiya oo ay ragaadiyeen Xadgudubyada wayaanada oo xukumaysay dalka Itoobiya ilaa ku dhawaad 20 Sano,
Bambkan ayaa ah kii labaad oo lagu tuuro meel ay ku shirayaan xisbiga EPRDF, in ka yar labo isbuuc ayey aheyd markii bambo lagu weeraray maqaaxi ku taal magaallada Adi Daero ee deegaanka Tigray. Bambadaas ayey ku dhinteen 20 qof.waxaana hubaala inay ka darto mooyaanee inaysan dagi doonin iyadoo ay soo badanayaan eedaymaha ay is dhaafsanayaan Madaxada Wayanada, iyo kuwa Mucaradka ah

Maamulka Puntland oo dad Oromo ah u gacan galiyey Itoobiya iyo qaar dhintay kadib markay iska tuureen gaadhigii lagu sii waday.

Saddex qof oo ka tirsan qowmiyadda Oromada ayaa dhintay, saddex kalana dhaawacyo culus ayaa soo gaaray ka dib markii ay ka boodeen gaari ay saarnaayeen oo marayay meel u dhow magaalada Garowe ee w/bari ee dalka soomaalliya

Dadkaasi waxay ka mid ahaayeen 42 qof oo maamulka Faroole uu iib uugu waday maamulka kaligii taliye zanawi ee ay ks soo carareen ka dib markii la soo qabtay iyagoo doonaya inay u tahriibaan dalkaasi Yaman waxana intoodii kale loo gudbiyay Itoobiya.

Ilaa 3 qof oo dhaawac ah ayaa lagu hayaa oo lagu daweynayaa cusbitaalka Garowe.

Toddoba qof oo kale ayaa iyaguna baxsaday ka dib markii ay baabuurkii ay saarnaayeen ay iska tuureen oo ilaa hadda la raadinayaa.

Maamulka gorowa waxay sheegeen in soo qabqabashada dadkani ay ka mid ahayd olole ballaadhan oo la doonayo in wax lagaga qabto dhibaatada tahriibta. Hadda ka horna waxay sheegeen inay dib ugu celiyeen dalka Ethiopia boqolaal Oromo ah oo oo ay u iib gayeen maamulka wayanada ee Itoobiya, iyadoo mustaqbalka dhawna iyo kan fogba aysan iloobi doonin dadka reer Oromiya & Ogaadeniya Danbiyada uu ka galay maamulka isku magacaabay puntland,

faroole oo hogaamiya xiligan ayaa loo bahanyahay shacabka goboladaas inay ogaadaan wuxuu faroole uu sameeyey in iyaga ay saamayn doonto marka dadkani ay helaan xuquudooda.


Canada oo Zenawi ku casuuntay ka soo qayb galka Shirka lafilayo Jun ee wadamada G20.

Wadanka Canada ayaa Marti galinaya Shirka Dowladaha G20 oo dhicidoona 26ka bisha june ee fooda inagusoo haysa,
Shirkaas ayaa waxaa lafilayaa inay ka qayb Gali doonto Dowlada gumaysiga Itoobiya Iyo Dowlada Kale oo Afrikan ah, waxaa lagu wadaa in Raysul Wasaaraha gumaysiga Itoobiya kaligii taliye zanawi uu iman doona Shirkaas, Xiligaas oo ku beegan Mar Doorashada Itoobiya lagu kala Baxay waa hadiise ay Ethiopia ka badbaado burburka lasaadaalinayo ee cabsida wayn laga qabo inuu kadhaco dalkaasi Ethiopia, Waxaana Iska Cad in Doorashadaas Zenawi uu kushuban Doono .

Inta Badan Marka Kulamo noocan oo Kale ah Dhacayaan waxay Jaaliyadaha Soomalida Ogaadeeniya ee Ku Nool Dalkaas ku Mudaaharadaan Madaxda gumaysiga Itoobiya kuwaas oo xasuuq ka gaystay Ogaadeeniya.

In kabadan 400 oo ururka dhalinyarada xisbiga ANC-South africa oo lagu marti qaaday xarunta jaaliyada Ogadenya ee K/Africa.

Jaaliyada Koonfur Afika ayaa waxay wadeen waayahanba olole la isku barayo jaaliyadda iyo dadka wadaniga ah. Malintii 8da Mayo ayay jaaliadda waxay la kulmeen Duqa magaalada oo u suurtagaliyay kulan ka dhacay 9kii Mayo magaalada INJOLI DAKU HALL. Shirka waxaa yimid oo ka soo qaybgalay xaafiis madaxeedyo iyo madaxda arimaha bulshada ee deegaanadaas, waxaana dadka ka soo qaybgalay ay u badnaayeen ururka dhalinyarada xisbiga talada haya ee ANC-YL oo shirka soo sahlay qabashadiisa xubno kamid ahna ay shirka gudoominayeen.

Shirka waxaa lagu furay hees wadani ah oo ay ku qaadi jireen xiligii gobanimo doonka. Heestan ayaa macnaheedu ahaa;
Kurida way cabsoonayaane - hadhamaado gumaysigu. iyo ereyo kale.
Kadib waxaa khudbad ka soo jeediyay mudane Muwadin C/waaxid xaaji Xatoosh isagoo ka hadlay dhibka ka jira Ogadeniya iyo safarka dheer ee loo soo maro K/Afrika marka laga soo cararo dhibaatada Ogadeniya ka jirta iyo isla markaa wax yaabaha adag ee lagala kulmo qurbaha gaar ahaan wadankan SA.

Waxaa yaab ku noqotay dadkii shirka fadhiyay markii ay daawadeen filinkii murugada lahaa ee *silent cry* isla markaana ay ogyihiin dhibka uu gumaysigu leeyahay iyo dhibaatada wadankan ka soo gaadha dad Soomaliyeed iyo jaaliyadda Soomaalida ogadeniya.
Markii la daawaday muuqaaladii lana dhagaystay qudbadihii ayay waxay waydiiyeen jaaliyadda su’aalo ay ka mid yihiin;
Tirade dadka dadweynaha Ogadeniya? Markii loo sheegay inay yihiin 7-8 m ayaa waxay yidhaahdeen wadanka Zimbabwe waa 9 m marka waan garan karnaa dhibaatada gumaysiga noocan ah dawadiisu waa in laga hoos baxo.

Waxaa hadal ka soo jeediyay minaasabada Mrs. Siphokazi oo ka socota ANC-YL ah xubin REC iyo Mrs. Nosipho oo ah ANC-YL sidoo kale ah xubin REC. Iyo tiro ilaa 10 ruux gaadhaya.
Ugu danbayntii waxaa la isla meel dhigay sidii loo sii dardargalin lahaa hawlaha noocan ah iyagoo ka dhalin yaro ahaan balan qaday in ay samayn doonaan kulamo aad u waawayn oo banaanka lagu soo dhigayo dhibaatada lagu hayo shacabka Ogadenya.

Radio Xoriyo 10 May 2010

Maxamuud Sh. Cali
Raadioxoriyo@yahoo.com or Radioxorio@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaan maalmaha
Isniinta & Jimcaha 5 :30 - 6:00 PM waqtiga afrikada bari

F Mawjada 19 Meter Band
FInternetka : www.Ogaden.com & www.Ogadennet.com
FPhone ka : +16417153800 Access Code 5126014 #

FYoutubka : www.Youtube.com/user/Radioxoriyo

Home

Copyright © 2010 Awaare.net
All Rights Reserved.

wordpress visitor

Qorahay.net

Boggan waxaa ku socdo dhisme fadlan soo booqo markale

 

 

 

 

 

 

 

 

Hambalyo hambalyo: ha moogaanini Saado Ali Warsame iyo Hobolada Australia.


Home

Copyright © 2010 Awaare.net
All Rights Reserved.

wordpress visitor