|     |     |     |    | 
   

 

 

 

 

 

Daadad ku fatahay Magaalada Dhagaxbuur oo Khasaare badan keenay.

 

9, May 2010 (AN) Wararka ka imaanaya Magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in Roobab xooggan oo labadi habeen ee aynu soo dhaafnay ka da'ay magaaladaas ay keeneen daadad ku soo fatahay magaalada, daadakan ayaa waxay aad ugu soo fataheen xaafadaha magaalada hareeraheeda ah & meelo Suuqyo u badan oo magaalada dhexdeeda ah halkaas oo ay daadashaasi keeneen Khasaare laxaad leh oo isugu jira naf & maal.

Haddaba Shacabkii ku noolaa Xaafadaha ay daadaku galeen ayaa u qaxay meelaha taaga ah iyaga oo aan hoy haysan maadaama guryahoodii ay daadaku burburiyeen, sidoo kale qashin aad u badan oo ay daadaku meelo fogfog ka soo qaadeen ayaa xidhay meelo badan oo guryo badan Albaabadoodii qashinkaasi ooden.

Maamul ku sheegga ay Itoobiya u wakiilatay dhulka Ogaadeenya ayaa musiibadan ay daadaku keeneen ka aamusay iyadoo aysan jirin ilaa & hadda wax loo qabtay dadka ay daadaku aafeeyeen, dad badan oo Shacab ah oo sikood isu xilqaamay ayaa hawsha fatahaada daadaka gacan ka gaysanaya kuwaas oo dadkooda dhibku la soo darsay ee aan dawlad haysanin in ay caawiyaan isku dayaya balse aan waxbadan ka qaban karin musiibadan baaxada leh.

Dhanak kale daadaka xooga leh ee magaalada ku fatahay ayaa laga cabsi qabaa in ay ka dhashaan cuduro kala duwan oo aalaa ka dhasha fatahaadaha noocan oo kale ah, Roobaka ayaa muddooyinkan dambe aad uga da'ayay meelo badan oo Dhulka Ogaadeenya kamid ah, iyadoo Roobakaasi ay Shacabku aad ugu diirsadeen ayay hadana khasaarooyinkan oo kale ka dhashaan xiliga uu Roobku badanyahay waxaana inta badan sabab u ah khaarahaas gumaysiga dhulka Ogaadeenya ku gaamuray oo aan dan kalahayn dhibkasta oo shacabka ku dhaca inta ugu badana isagu u gaysta.

Xigasho Qorahay Online

Home

Copyright © 2010 Awaare.net
All Rights Reserved.

wordpress visitor

Qorahay.net

Boggan waxaa ku socdo dhisme fadlan soo booqo markale

 

 

 

 

 

 

 

 

Hambalyo hambalyo: ha moogaanini Saado Ali Warsame iyo Hobolada Australia.


Home

Copyright © 2010 Awaare.net
All Rights Reserved.

wordpress visitor