MAXAAN
U-DIIDNAY INAAN ETHIOPIANS NOQONO? SABABTU WAXAA WEEYE….?
|
|
Waxaa no soo diray akhriste
ku taxay Wargeyska Awaare.net |
|
|
12, May 2010 (AN) Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan
akhristayaasha sharafta leh, kadib su’aasha sare ku xusan ee
aan magaca ugadhigay qormadeenna waa su’aal furan oo qof kasta
sida ay latahay uu uga jawaabi karo, xaqiiqaduna waxay ku dhex jirtaa
uun jawaabaha la bixiyo qayb ka mid ah.
Si kale hadaan udhigo su’aashana waxay noqon oo ay ku wareegi
dooda ah Dadka S.OGADENYA ma itoobiyaan baa mise ma aha? Ma muwaadiniin
Dalka udhashaybaa mise ma aha?
Si ay ujeedada hadalkaygu u noqdo mid cad waxaa lagama maarmaan ah
inaan cadayno mu’waadin maxuu yahay?
Mu’waadin-nimo ( citizenship ) waxaa lagu qeexaa in ay tahay
“””XUBINIMO BUUXDA IYO SINAAN BULSHADEED
OO AY KU LADHAN TAHAY UNASAB-SHEEGASHO –AFFILIATION- AYNA KA
DHALANAYSO XUQUUQ IYO WAAJIBAAD””” AMA
“” xiriirka u dhexeeya qof iyo ummad gaar
ah.””
Marka laga tago xaqiiqda taariikheed ee ah in OGADENYA 1948-1954
muddadii u dhaxaysay xabashidu xoog iyo shirqool la inoo maleegay
kula wareegeen, waxaan hoos ku sheegayaa qodobo dhawr ah oo aan u
arko in ay tahay MAANGAL oo aan u cuskan doono sababaha uu shacabka
S.OGADENYA ku diiday inuu noqdo ETHIOPIANS, inaga oo og in shucuub
xoog lagu qabsaday ay dib ka noqdeen muwaadiniin u nasab-sheegta dawlladii
guumaysanaysay, ama hagaadhaan qanaaco dhankooda ah ama taagi ha u
run sheegtee,
Waxaan labo isku khilaafaynin in Dadka S.OGADENYA ay san waligood
Aqbalin in ay noqdaan IETHIOPIANS, taasna waxaa cadaynaya sooyaalka
taariikheed ee ummadan iyo diidmada qayaxan ee ay kala hortageen XABASHIDII
damaca dhul-balaadhsiga qabtay ee buuralayda sare kasoo degtay laga
soo bilaabo dhammaadkii QARNIGII sagaal iyo tobnaad, ilaa maanta,
labo tusaale aan soo qaato oo daliil u noqon kara cidii ra’yiga
igu khilaafsan ee dood ka qabta loolanka gaamuray ee udhexeeya dhibanayaasha
SOMALIDA AH ee dalkooda difaacaya iyo dhibayaasha XABASHIDA AH ee
doonaya inay qabsadaan Dal iyo Dad aysan lahayn,
1- TUSAALAHA KOOBAAD
Nin reer ITALY ah oo dhul-baadheen ah ( ITALIAN EXPLORER ) ayaa taariikhdu
markay ahayd 1891 waxa uu booqasho ku tagay tuulada IIMAY ee ku taal
diisha wabi SHABEELE, dhul-baadhaha reer Italy waxa uu tilmaan ka
bixiyanaa xaalada nololeed ee uu ku arkay IIMAY waxa uu yidhi ““
tuuladan oo mar ahaan jirtay meel aad barwaaqo u ah,dadku ku nool
yihiin badhaadho,nabad iyo sharaf ayaa maanta ah meel ay ka muuqato
murugo,saxariir, rafaad iyo cabsi zaa’id ah, sababtuna waxaa
weeye weerarada joogtada ah ee tuulada kaga imanaya dhanka HARAR ee
uu soo qaadayo ciidan uu madax uyahay Ras
Makonnen “”
RAAC link-gan (
http://en.wikipedia.org/wiki/Imi,_Ethiopia )
RAS MAKONNEN waa XAYLE SALLASE aabihii.
Labo sano kadib 1893 ayaa nin BRITISH ah ( A BRITISH HUNTER ) oo
lagu magacaabo COLONEL SWAYNE oo tagay magaalada IIMAY-BARI waxaa
la tusay:- “Maydadka tiro aad ubadan oo laga Argagaxo ahna Hadhaagii
Ciidan Abyssinian ah oo lagu jabiyay Dagaal dhexmaray Ayaga iyo Dadka
deegaankan labo ama sadex sano ka hor “ Taasi waa dhacdo QARNI
ka hor dhacday
2- TUSSAALE LABAAD
BISHII DECEMBER 2008 dadkii shacabka ahaa ee magaalada QABRIBAYAX
agteeda danbi la’aanta lagu gumaaday iyo sida aan labo isku
waydiinin sababta dadkaas loo gumaadayna waa tusale labaad oo dhacday
LABO sano ka hor.
Markale aan u noqdo su’aashaydii ahayd MAXAAN U-DIIDNAY IN
AAN ITOOBIYAAN NOQONO? SABABTU Waxaa Weeye Arimahan Hoos ku Xusan:-
1- DIINTEENNA SUUBAN DULLI-NIMO MA OGOLA.!
Qofka muslimka ah marka Dalkiisa,Dadkiisa Iyo Cirdigiisa lagu xad-gudbo
waxaa waajib ku ah inuu isdifaaco, Diinteenna suuban ma ogola in qofka
muslimka ah uu GAAL xukumo, waxaa la faray in uu u-dagaalamo sarraysiiinta
WEEDHA ILLAHAY, doortana LABO WANAAGSAN mid uun ( ixdal xusnayayn)
ama inuu SHAHIIDO ama uu GUUSHA hanto.ITOOBIYAAN-KA SARE Diin inagama
dhaxayso oo muslim iyo masiixiyiin ayaan kala nahay waxayna rabaan
in DIINTOODU sarayso Teenuna Hoosayso.
2- DAL IYO DAD KALA DUWAN!
Marka la samaynayo Xad ama Gobal Gooni ah wax yaabaha ugu muhiim
san ee lagu Astaameeyo waxaa ka mid ah isku e’kaan shaha iyo
isla-haanshaha dhulka ama waxa la dhaho Xuduuda dabiiciga ah ( natural
border ) iyo waliba isla-haanshaha dadka xadka loo samaynayo, waa
hadii xadayntu cadaalad iyo is-ogolaansho lagu salaynayo ( ogadenya
kama dhicin taasi) . hadaba ITOOBIYADA sare Dal ma wadaagno oo waxaynu
kala nahay BUURALAYDA SARE (Ethiopian Plateau ) iyo DOOXADA hoose
( OGADEN plains) cimilada,xilli roobaadka, xilli diraaceedka intuba
waa kala duwan yihiin.
DAD-Ka dega OGADENYA iyo ITOOBIYADA inteeda kale AF,DIIN,iyo DHAQAN
toona mawadaagaan, xataa nidaamka dhaqan-dhaqaale ee labada dadyaw
ayaa Kala duwan, S.OGADENYA waa dad xoolo dhaqato ah, noloshoodu ku
tiirsan tahay dhaqashada iyo dhaqaalaynta xoolaha nool, meesha ETHIOPIANS-Ku
yihiin dad beeralay ah, noloshoodu ku tiirsan tahay qoditaanka dhulka
iyo dalaga kasoo baxa.
Kala duwanaanshaha DHULKA iyo DADKU waxay keenaysaa in lagu kala
duwanaado danta iyo qaab-fikirka, waxay dhiirigalinaysaa aragtida
Gooni isu taaga iyo Gaar u noolaanshaha.
3- ITOOBIYAANS-KA ISIR MA WADAAGNO.!
Wadaagitaanka hal taariikh,hal isir,hal masiir iyo hal qowmiyad waa
qodob muhiim u ah in ay Ummadi midowdo oo ay dhistaan maamul iyo dawllad
ay wada ilaashadaan, intaas midna ma wadaagno itoobiyaan-ka oo innaga
SOMALI ayaynu anahay ayagana waa ummado kale oo uusan waxba inaga
dhaxayn.
4- ITOOBIYAANS-KA -AF- INAGAMA DHEXEEYO.!
Luuqada waxaa lagu tilmaamaan unugta ugu muhiim san ee ummad ama
shacab midaysa, waa mida la isku fahmo ee lagu wada xiriiro, waa mida
isku keenta danta iyo aayaha dad aad ufarabadan oo dhul baahsan ku
nool, waa mida ay ku wada xiriiraan dawllada iyo dadkeedu, waa mida
ay dawlladu ku gudbiso fariinta ay rabto inay shacabkeeda gaadhsiiso,
S.OGADENYA iyo ITOOBIYADA sare AF ma wadaagaan oo waxay rabaan in
ay kobciyaan luuqadooda teennana ay juqumsadaan. Waligiin ma aragteen
BBC- AMHARIC AMA VOA -AMHARIC oo OGADENYA laga dhagaysanayo!? Meesha
EX-radio muqdisho, BBC Somali, VOA Somali IWM, Saacad saacad looga
dhagaysto OGADENYA, Taasi maxay ku tusinaysaa?
5- ITOOBIYAANS-KA DHAQAN INAGAMA DHEXEEYO!
Dhaqanka midaysan,fanka iyo suugaanta loodhanyahay,iwm waa arimo
lagama maar maan u ah wadajirka iyo iskaashiga shacab raba inuu dhiso
dawllad la isaga raali yahay oo sii jirta waqti dheer,
Somalida Ogadenya iyo Itoobiyaanka dhaqan, xeer,iyo xadaaro midna
ma wadaagaan oo ayaga dhaqan kooda waxaa Asal iyo Marjic u ah DIINTA
masiixiga iyo Qaysaska horjooga kaniisada, dhigeeda inaga waxaa inoo
ah Asal iyo DASTUUR Diinteenna suuban iyo Tacliimaatka QUR’AANKA
, mar walbana waxay rabaan inay inagu qasbaan Amarkooda oo ay ahaadaan
taliyayaasha inaguna loo taliyayaal.
6– DACIIF-NIMADA IYO KALA DAADSANAANTA MUSLIMINTA
ITOOBIYA!
Dadka ITOOBIYA ku nool 50% ama ka badan waa muslimiin, waxay degaan
dhulka ugu hodan-san dalka, saas oy tahay waligood xukunka ITOOBIYA
maysan qabanin, oo waxaad moodaa in laga xarimay . kaaga sii darane
kuma jirto rajjo iyo hammi ah inay mar uun xilka la wareegaan, boqolaal
sano oo cadaadis iyo cabudhis lagu hayay ayaa keentay in ay daciifaan,kala
daad-sanaadaan oo aysan hoos mooyee kor u fikirin.
Awood darida muslimiinta ITOOBIYA waxaad dareemi hadii aad maalin
CIID ah Addis Ababa ku tukato, dadka oo dhan muslimiin ayaad moodi,
maalinta xigta wax Astaan islaam ah indhahaagu qaban mahayaan, marka
laga reebo meelo aad u kooban sida goobaha somalidu ku badan tahay..
Hadaba waxba ma qabsade miyaan garab iyo gar-gaar ka sugaynaa?
7- DHIB MOOYEEN DHEEF INAGAMA SOO GAADHIN!
In kabadan 100 sano oo aan xoog ugu hoos jirnay xukunka ITOOBIYA
wax aan dhib ahayn inagama soo gaadhin, oo shacab-keenna dawllada
waligeed dheef ma uu san ka arkin, dil,barakicin iyo kadeed waxaan
ahayn buuralayda kore inoogama imaan, SHar mooyee KHayr lagama arag,
wax ay inoo taraan iska dhaafe, culays umbay inagu hayaan. nin hoo’
u baahan, baahi kaama bi’iyo.
8- MUWAADINIIN DARAJADA LABAAD AYAY NAGA DHIGEEN!
Nin ITOOBIYAAN ah oo shaqo sare dawllada u haya ayaan waydiiyay,
maxaad dadka somalida ah sidan ugula dhaqantaan? Waxa uu iigu jawaabay
: “ dawlladu idinma aamini karto,oo somalida Muqdisho ka timid
iyo kuwa JigiJiga ka yimid lama kala saari karo, qofka kasta oo Somali
ah dawlladu shaki ayay ka qabtaa”
Waxaan ka hadlaynay marka baasaborka la qaadanayo ama dibada safaaradaha
lala tacaamulayo.
Marka aad addis ababa joogto, qofka muwaadinKa caadiga ah haddu arko
qof Somali ah waxaa qalbigiisa usoo deg dagi in uu Somalia ka yimid,
ismalaha qof Somali ah ayaa ITOOBIYAAN noqon kara!!
Hay’adaha dawllada gaar ahaan ciidan ka ( E.D.F.) Iyo safaaradaha
dibadda,S.OGADENYA waxay ula dhaqmaan sidii muwaadiniin darajada labaad
ah ( second class citizens ) waa sidii xubin dheeri jidhka ku ah!
Sababahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa ah kuwa aynaan Abidkeen u
Aqbalaynin inaan ETHIOPIANS noqono oo aan gacmaha hoos dhigano guumaysi
aaminsan in Jiritaan-keennu khatar ku yahay Asaga jiritaan kiisa!
Hadal iyo Gaba Gabadii mar hadduu xaalku saas yahay cid kasta oo
qabta dood iyo aragti tan ka duwan waxaa looga fadhiyaa inay inoo
cadeeyaan waxa aan ka faa’iidnay ku hoos jirka ITOOBIYA, xalse
ma noqonaysaa in dadka loo macaaneeyo ERAYO iyo halku dhagyo aan xaqiid
ahaan loogu dhaqmin SIDA:- ITOOBIYA waa dawllad kala isir-duwan (
multi_ethnic state ), nidaam-ka federalismka ayaa wadanka ka hanaqaaday,
ITOOBIYA waa inaan wax la qayb sano, iyo DASTUURKA dalkaa ogol in
cidii rabtaayi ay wadanka ka go’i karto! Miyaysan ahayn inaan
wax ku qaadano xaqiiqda lataaban karo ee ah in ITOOBIYA marba cidii
MINILIK PALACE haysata uun ay dhiig miiran hantida iyo khayraadka
malaayiinka qof ee dalkan ku nool.
W/Q. ABDI XAAJI NUUR.
E-MAIL: HEEGAN2008@HOTMAIL.COM |