Ciidanka
Wadaniga Xoreynta Ogadeniya oo magaalada Dhgaxbuur in ay la
wareegaan wax ka hor joogaa uunan jirin.
|
|
25, May 2010 (AN) Wara lagu farxo oo naga soo gaadhaya
magalada Dhagaxbur aya shegaya inay Ciidanka Qalabka Sida ee Wadaniga
Xoreynta Ogadeniya 23/5/10 si xawli ah ku jiidheen gagida Dayuuradaha
ee magalada Dhagaxbur halkaa ooy Wayaanuhu xero ceedan ku lahaayeen
dagaalkaas ayaa la sheegay inuu mudo kooban socday waxayna dad xog
ogaal ahi noo sheegeen inuu wayaanaha kahare wayni gaadhay bakhtigiina
ilaa shalay la kala gurayay magaaladana bandow lagu soo rogay.
CWXO
oo si aad ah u dardar galiyay hawlaha dagaalka ayaa maalmahan dambe
weeraro isu dhawdhaw ku qaadayay ciidamada Wayaanaha ee gobolka Jarar
dagan waxaana ka mid ah meelaha ay CWXO weerarada culs ku qaadeen
tuulada Geedi Aar oo Dhagaxbur korkeeda ah halkaana waxaa dhagta dhiiga
loogu daray ciidankii wayaanaha ee daganaa tuuladaas oo laga dilay
inkabadan 20 oo ay ku jiraan madaxdii ugu saraysay ciidankaas iyo
waliba Agaasinkii caafimaadka.
Ciidanaka
Qalabka Sida ee Xooga Dalka Ogadeniya ayaa gubay gaadiid dagaal iyo
dhismeyaal xeradaas ku yaalay waxaana si weyn loo hadal hayaa in ay
Ciidanka Qalabka Sida ee Xoreynta Dalka Ogadeniya qarka u saaran yihiin
in ay Dhagaxbur iyo meelo kaleba si fudud u qabsadaan, shacabka Ogadeniya
ayaa aaminsan in Ciidanka Qalabka Sida ee Xooga Dalka Ogadeniya ay
leeyihiin awood ay dhulka Ogadeniya kula wareegaan balse aynan xiligan
ku haboonayn sidoo kale shacbaka Ogadeniya waxay aad ugu qanacsanyihiin
halganka ay Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya hogaaminayso xili
kasta ha soo gaba gaboobee maanta waxaan shaki laga qabin in ay shacabka
Ogadeniya guushooda higsanayaan diyaarna ay u yihiin inay noqdaan
dawald madax banaan oo xor ah waana kaas hadafka dhabta ah ee ay shacabka
Ogadeniya iyo JWXO ka duulayaan wuuna guulaysan doonaa Insha Allah.
Awaare.net
Awaarenet@yahoo.com
|