Duriyadii Daraawiishta oo Bilad dahab ah Soomaali u soo hooyey.
|
|
25, May 2010 (AN) Indhawaalaba Soomaali waxay ku
caan baxday dirirta dhexdooda ah, iyagoo ka mashquulay cadowyadeedii
soo jireenka ahaa, taasi waxa ay dhaxalsiisay in ay walaal iyo waalidba
ka dhigtaan waraabayaashii hororada ahaa ee jiritaankooda hortaagaana
abid.
Waraabayaashani ha ahaadeen kuwii gumeysiga amase kuwii usoo tafaxaytay
sidii dhulka iyo dadka Soomaaliyeedba qariidada uga suulin lahaayeen.
Mar walba waxaa la helayay halgamayaal Soomaaliyeed oo sifo kasta
haku qaadatee u diidayay in ciida Soomaaliyeed ka hirgasho Himilo
aan tooda aheyn, horror walbana hootada u qaaday.
Nasiib daro hankii
noocaas ahaa guyaal badan dib u dhac xoog leh ayaa hareeyay, horaradii
laga hortaagnaa ayagaaba maangaabyada soo kacay lahoos galeen himiladoodii.
Maanta intii cadowga loo yaqaanay ayaa naga harsan la’, iyadoo
kuwo naga mid ahi albaabadooda ayaga oo hortaagan qoraxdu ugu soo
baxdo, uguna dhacdo, waa laynaga harsan la’yahay, waxa ayna
gaadhay heer dal iyo dad beec ah sidii loogu hoos waday, laftigoodii
ay ku idaadeen, leeyihiina, “Waar qurub xaaraankiina naga leexiya”.
Taariikhda dunidan wali laguma hayo damiir xumida aan ku suganahay
dad gaarey, mar walba waxa la helay kuwo ka dhiidhiya sifayaasha dadnimada
ka soo horjeeda.
Liidnimada hareysay Soomaali waayahan ayaa waxa ay ka mid ahaa in
markii Wiil Ethiopian-ah ay arkaan in ay Amiir ka yeeshaan, hadii
ay dirir tahayna markii layiraahdo ciidamadii Ethiopian-ka ayaa soo
galay goobaha la baneeyo.
Tani waxa ay sahashay in ayba shaqo u noqotay dhalinyarada ciidamada
Ethiopianka hogaamiya in ay Odayada, Culimadii, waxgaradkii, haweenkii,
hablihii iyo kureydiiba, dariiqyada ku jiidaan, kuna karbaashaan,
xabsiyada ka buuxiyaan, kii ku hadal ceshana ifkaba laga waayo.
Reer Buuhoodle diritii iyo diidmadii ay ka muujiyeen dulinimadii
lala maagaanaa, waa mid taariikhdeena danbe baal dahab leh ka gali
doonta, waa mid cadowga dareen naxdin leh ku abuuri karta, waa mid
muujineysay sida kuwo naga mid ah anaga Soomaali ah wali dadnimadoodii
u nooshahay.
Waa mid fariin hor leh ku noqondoonta Ethiopia, taasoo oraneysa 20sano
ka dib Soomaali wali waa diidan tahay dulinimo, waa diidantahay damiir
xumo, waa diidan tahay in danaheeda cid kale u dabafariisato, waa
diidantahay dilaalada aad dabada ku wadatid.
Reer Buuhoodle waxa ay markii ugu horeysay deegaanada kale ee Soomaaliyeed
u fureen albaab tusinaya in hadii ciidooda iyo dadnimadooda taako
lagu soo xadgudbo, waxa kuu furan ay tahay buntukha oo aad deegta
u radatid, cadowgana wadada kaliya ee uu fahmi karo la martid.
Deegaanada kale ee xadbudubyada noocaanoo kale lagu wado, waxaa u
banana in ay wadadaas maraan.
Waxaan rajeynayaa sida maanta Reer Buuhoodle oo Degmo kaliya ah,
ay u muujiyeen dadnimadooda, Soomaalina u wada muujiso,kuwa badan
oo hoos hoganaya maanta Ethiopian-kana waxaa cad in Reer Buuhoodle
tixgalinta iyo dadnimada ay u hayaan Ethiopian-ku ayan u hayn ayaga,
oo laga yaabo in magac maamul ama Gobalaba hawanyihiin.
Waxaa wax laguu aqoonsanayaa marka aad kolka hore wax jira isku aragtid,
waxa aad diidan tahay iyo waxaa dooneysidna kuu kala asteysan yihiin,
balse hadii caynaan kugu jabsan yahay, nacamlena sheekadaadu tahay,
dee wax kale ma mudnid eebe weyne oo in uu xaqa ku tuso laguu baryo
maahane.
Reer Buuhoodlena waxaan leeyahay Dabkii bakhtiyay ayaad shideen,
Soomaalina baal dahab leh ayaa ka gasheen marlabaad, nin diidi karana
ma jiro.
Biladii Geesinimada, Reer Buuhoodlaa leh.
Biladii Xornimada, Reer Buuhoodlaa leh
Biladii Dadnimada, Reer Buuhoodlaa leh.
Waxaana ku soo xirayaa tixihaan maanso aan hore u tirshay ku jirtay.
BILAD AAN HORAANTEED
HORAY LOOBA ARAGOO
AADMIGA MIDKII HELA
RABI UU U HIILSHOO
HAREERTIIS ISTAAGAAD
BUUHOODLAAY LA HOYATAY
Muxyadiin Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk
|