Gacan ku dhiigle Males Zenawi oo aduunku wali ka aamusan yahay hadalkiisii baroorta iyo baryoodtanka ahaa iyo walaac aad u badan oo la soo darsay taageerayaashiisa.

25, May 2010 (AN) Gacan ku dhiigle Melez Zenawi oo doorsho ku sheegtii beenta ahady intii aan lagu dhawaaqin natiijada ka horba shaaciyaya inuu guulaysatya ayaa si adag waxaa ugu gacan shaydhay hay'adaha caalamiga ah iyo dawladaha aalaba dooarshooyinka u kuur gala kuwaas oo badankood loo diiday inay si dhab ah wax uga ogaadaan habsami u socodka doorasho ku sheega Itoobiya.

Mucaaradkii doorashada ka qayb galayay ayaa iyaguna si weyn ugu gacan saydhay natiijada doorashada waxayna muujiyeen xogaha rasmiga ah ee doorashada lagu afdoobay iyo awooda uu Zenawi ku muquuniyay oo ay soo bandhigeen, waxaa jirta cabsi badan oo laga qabo inuu dagaal xumi Adis Ababa ka qarxo.

Zenawi ayaa cod dheer oo baryootan ah aduunka u laliyay isagoo sheegaya inay doorashadu si cadaalad ah u dhacday wuxuuna aduunka ka codsaday in la aqbalo xukuumadiisa bobka iyo boolida ah,Hay,ada Human Right, Midowga Yurub, Iyo Mucaaradka Zenawi ka hor jeeda ayaa dhamaantood qaadacay natiijadaa la soo bandhiagy kuna tilmaamay inaynan cadaalad ahayn oon la aqbali karin, waxaa soo muuqda qalalaase hor leh oo Itoobiya ku wajahan kaas oo noqon kara kii ay ku kala dhaqaaqi lahayd Itoobiyada laysku qasbay ayna ku xoroobi lahaayeen qoomiyadaha la gumaysto ee xornimo u dirirka ah oo ay Ogaadeenya ugu horeyso.

Awaare.net
Awaarenet@yahoo.com

Home

Copyright © 2010 Awaare.net
All Rights Reserved.

wordpress visitor