Taariikhda Itoobiya kuma jirto wax sinaan iyo cadaalad ah
oo waana ay soo martay xoog uunbayna wax ku kala qaadataa.
|
|
26, May 2010 (AN) Itoobiya oo ah dawlad ku dhisan
xaqdaro iyo digtaatoorinimo ayaan waligeed soo marin cadaalad iyo
sinaan wax lagu qaybsado sida taariikhdeeda ku cad waxaa waligeed
ka soo jiray cadaalad daro iyo isu awood sheegasho waxaa lawada ogayhay
intii Itoobiya xukuumad soo martay in aynan midina doorasho wax ku
qaadanin balse ay ahayd xoog iyo dhiig daata.
Laga soo bilaabo xiligii uu Minilikh talada Itoobiya hayay ilaa maanta
kan haya waxaa isa soo daba taxnaa digtaatoorinimo iyo boob, dalka
Itoobiya oo asal ahaan ah shucuub laysku qasbay oo aan waxba wadaagin
kana kooban qoomiyado ku kala duwan luuqada, diinta iyo dhaqanka intaba
waxaa si xoog ah isugu keenay boqortooaydii Aabsiiniya la odhan jiray
oo ah halka ay cadaalad daradu ka soo unkantay.
Waxaa Itoobiya isaga dambeeyay xukuumado ay hogaaminayeen madax kali
talis ah oo aan ogolayn in ay dadku si xor ah u noolaadaan ama u fikiraan
kolkaad eegto qaabka uu u soo taxnaa muquunsigu waxaad si wanaagsan
u garanaysaa in ay Itoobiyanimadu tahay mid aan jiri karin hadii cadaalad
la helo sidaas daraadeed marwalba madaxda Itoobiya xukuntaa waxay
raacdaa wadadii ay kuwii ka horeeyay jeexeen, xiligan maanta lagu
jiro oo ah xili uu caalamku ka guuray kana gudbay kala sarayntii iyo
is adoonsigii ayay Itoobiya doonaysaa inay dad aan waxba wadaagin
isku hayso.
Maamulka Itoobiya ka jiraa waa mid xaqiiqadu ka daboolantahay kuna
nool khayaali iyo huuhaa una haysta in uu aduunka sidaas wax kaga
iibin karo , waxaa la gaadhay xiligii ay maryaha aloolka ee Itoobiya
laysku yidhaahdaa kala yaaci lahaayeen waxaana soo dhawaatay cadaaladii
iyo xaqa aayo ka tashiga ee qoomiyadaha laysku qasbayo gaar ahaan
shacabka Ogadeniya ma sii ahaan doonaan dad Itoobiya ku hoos nool
hadii ay Itoobiya sii jirto iyo hadii ay kala yaacdaba shacabka Ogadeniya
waxaa geed ka go'an ah in ay awood iskaga dul qaadaan heeryada gumaysiga
ee mudada dheer saarnayd.
Awaare.net
Awaarenet@yahoo.com
|